Madasha Talagelinta Bulshada ee Daadihiye
Waa barnaamij talagelin bulsho ah oo leh hawlo isku xiran, iyada oo ay ujeedadu tahay isku xirka bulshada iyo siyaasad-dajiyeyaasha.
Madal Dadweyne
Waxaan martigelinaa kulamo doodo dadweyne ah oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan saamileyda.
Habraaceenna
Waxaan isticmaaleynaa habab kala geddisan si aan u gaarno bulshada iyo saamileyda.
Barnaamijka Idaacadda
Waxaan qabannaa barnaamijo idaacadeed oo aan ku baahineuyno xogta, waxaana la wadaagnaa kalana doodnaa falcelinnada barnaamijyada saamileyda siyaasadda

Daadihiye

Daadihiye waa madal talagelin bulsho ah oo leh hawlo isku xeran kuwaas oo naga caawinaya isku xirka bulshada iyo siyaasad-dejiyeyaasha

Habraac

Waxaan isticmaaleynaa kannaalo kala duwan si aan u gaarno bulshada iyo saamileyda, hannaanka talagelinta muwaaddiniinta.

Sahan Cilmibaaris

Waxaan sameynaa sahan-cilmibaaris waxaana soo saarnaa faallooyin kooban oo faahfaahsan oo ku wajahan caqabadaha bulsho, dhaqaale iyo deegaan ee jira.

KU SAABSAN BARNAAMIJKA DAADIHIYE

Daadihiye waa barnaamij talagelin bulsho ah oo leh hawlo isku xiran ayna hirgalisay RAAGSAN oo ah shirkad ay haweeni hoggaamiso oo bixisa adeegyo la talin istaraatiijiyadeed iyo falanqayn kana shaqeysa guud ahaan Soomaaliya, iyada oo ay ujeedadu tahay isku xirka bulshada iyo siyaasad-dajiyeyaasha. Siyaasaddeenu waa la shaqeynta ilaa heerarka hoose. Waxaan qiimeynay fahamka saxda ah ee dadka ay u adeegaan hawlaha bani’aadantinimo iyo horumarinta maalgashiga Soomaalia, iyo sidoo kale siyaasadda iyo qaabeynta barnaamijyada horumarineed ee lagu caawinaayo dadka. 

HABABKEENNA

Waxaan qaadannay hab loo dhan yahay annaga oo adeegsaneyna qaab lagaga faa’iidaysanayo aragtiyaha iyo fikradaha kala duwan ee bulshooyinka, fikradahaas isku-dhafan oo aan la wadaagnay daneeyayaasha si aanu uga wada hadalno caqabadaha la tilmaamay iyo sameynta habab loo maro bulshooyinka. Waxaan isticmaalnay habab kala duwan si aan u gaarno bulshada iyo daneeyayaasha ku howlan arimaha muwaadiininta. Waxa kale oo aan isticmaalnay habab aqoon is weydaarsi iyo is dhexgal ah si aanu ula macaamilno bulshada dhaqan ahaan ay adag tahay in gaaro, si aan u gaarsiino arigtideenna.

Sahan cilmi-baaris

Waxaan sameynaa sahan cilmi-baaris oo aan ku soo saarno warbixinno kooban oo la xiriira caqabadaha bulsho, dhaqaale, iyo deegaan ee jira si looga qayb geliyo oo lagu wacyigeliyo bulshada arrimaha muhiimka ah ee la xiriira siyaasadaha iyo barnaamijyada hadda ka jira Soomaaliya. 

Barnaamij Idaacad

Waxaan martigelinaa barnaamij idaacad si aan u baahino macluumaadka una helno loogana doodo jawaab-celinta daneeyayaasha muhiimka ah. Barnaamijka waxa uu u oggolaanayaa dadweynaha inay wacaan idaacada si ay ula falgalaan mowduucyada, una muujiyaan fikradahoda loona maqlo codkooda.

Wicitaanka Dadweynaha

RAAGSAN waxay leedahay telefoonka wicitaanka dadweynaha oo bilaash ah kaas oo laga maamulo xarunta wicitaanka, halkaas oo ay bulshadu ku siiyaan jawaab celin, aragtiyo ku saabsan cabashooyin ka iyo helitaanka adeegyada ay bixiyaan hey’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo dawladda.

Madal Dadweyne

Waxaan martigelinaa madal dadweyne oo ay qayb ka yihiin daneeyayaasha muhiimka ah, adeeg bixiyayaasha iyo saraakiisha dawladda si looga wada hadlo horumarinta adeeg bixinta iyadoo lagu salaynayo jawaab-celinta iyo habraaca hawlgelinta bulshada.

Wadahadal Dhab ah oo Lala Yeelanayo Siyaasad-dejiyeyaasha

Xalqadaheenna podcast-ga waxaa wada haddallo lagula yeeshaa siyaasad-dejiyeyaasha kuwaas oo ku saabsan baahinta siyaasadaha iyo natiijooyinka ka soo baxay cilmibaarista barnaamijka talagelintabulshada. 

Jaantusyo Online Toos ah

Mareegta Daadihiye waxaa lagu soo bandhigayaa xog la isku geeyay oo lagu helay wicitaanka lambarka gaaban, barnaamijyada ka baxa raadiyaha iyo qaababka kale ee xog uruurinta ah iyada oo soo saareyso jaantusyo laga dheehan karo dhammaan macluumaadkaas.

JAANTUUSKA TOOSKA AH EE ONLINE AH

Daadidihiye waxa uu jaantus online ah ku soo bandhigayaa xog-isku-dhafan oo la soo aruuriyay iyada oo la isticmaalayo sahan-cilmibaaris, barnaamijka wicitaanka lambarka gaaban, barnaamij idaacadeed iyo habab kale oo xog-ururineed. Baraha bulshada ayaa loo adeegsan doonaa in lagu faafiyo ereyga ka qeybgalka muwaaddinka laguna bixin doonaa xog sida ay dadku u gudbin karaan falcelintooda iyo cabashadooda iyaga oo isticmaalaya barnaamijka wicitaanka lambarka gaaban. Daadihiye waa barnaamij talagelin bulsho ah kaas oo leh hawlo isku dhafan oo isku xiraaya bulshada iyo siyaasad-dejiye-yaasha. Wajiga tijaabada ah ee la falgalka bulshada waxa uu soo aruuriyay codadka 2,609 muwaaddin oo ka deggan dhammaan degmooyinka Gobalka Banaadir. Dadka deegaanka waxaa la falgalay 11 dhallinyaro heer jaamacadeed ah oo bartay cilmiga adeegga bulshada kuwaas oo faham qotadheer ka haystay deegaanka muddo labo bilood ahna loo tabobaraayay, waxaana ka mid ah waxyaabihii la baray: 

  1. Baahiyaha muwaaddiniinta iyo caqabadaha 
  2. Adeegyada ay muwaaddiniintu u baahan yihiin iyo cidda bixisa adeegyadaas 
  3. Falgallada dadka deegaanka iyo dawladda hoose 

RAAGSAN waxa ay ku diiwaangelisay natiijooyinka soo baxay Jaantuska Online-ka ah kaas oo sawir ka bixinaya natiijooyinka ka soo baxay degmooyinka kala duwan ee Muqdisho. 

Tijaabada: Ilaa hadda la qabtay

1 +
Wareysiyo
0
Degmo

Na la hadal

Su’aal ma qabtaa? Markasta waan u diyaarsan nahay inaan kula hadalno. Xafiiskeenna na gu soo booqo ama iimayl noo soo dir

Scroll to Top