Bogga warbixinta tijaabada ah

Tijaabada Ka-qaybgalka Bulshada

Tijaabada fikradda talagelinta bulshada ee Daadihiye ayaa lagu qabtay Muqdisho. Wejiga koowaad ee tijaabada ayaa ahaa qeybta cilmi baarista, taas oo diiradda lagu saaray xog uruurin iyo isu-keenid aragtiyada muwaadiniinta ku nool 17-ka degmo ee Muqdisho. Xog ururinta sahanka waxay la falgashay 2609 muwaaddin iyada oo loo marayo waraysiyo fool-ka-fool ah. 

Play Video

UJEEDOOYINKA TIJAABADA AH EE TALA GELINTA BULSHADA

Waraysiyadu waxay diirada sarayeen caqabadaha soo wajaha bulshooyinka, aragtida muwaadiniinta ee ku aaddan adeeg bixinta, iyo la falgalka ay la leeyihiin dawladda hoose. Ujeedooyinka cilmi baarista tijaabada waxaa loola dan lahaay:

  • In la fahmo caqabadaha bulsho, dhaqaale iyo deegaan ee ay la kulmaan dadka deggan Muqdisho iyo haddii ay jiraan adeegyo lagu xallinaayo caqabadaas. 

  • In la fahmo sida ay muwaadiniintu ula falgalaan dawladda hoose iyo inay jiraan dariiqooyin lagu gaarayo bulshada si mudnaan loo siiyo bixinta adeegyada jira. 

NATIIJADA LAGA FILAYO TIJAABADA

Tijaabada Barnaamijka Daadihiye waxa uu bixiyay xog asaasi ah oo wax ka tartay qaabeynta barnaamijkeenna talagelinta bulshada iyo baahinta Daadihiye ee magaalooyinka kale ee Soomaaliya. Intaa waxa dheer, waxa ay xogtu bixisay caddeymo ku aaddan sida muwaaddiniintu u doonayaan in ay ula falgalaan saaamileyda kala duwan si loo horumariyo adeeg-bixinta iyo ka qeybgalka dawlad-dhiska iyo go’aammada masiiriga ah.

TABABARKA ADEEGEYAASHA BULSHADA SI AY CILMI BAARIS U SAMEEYAAN

RAAGSAN ayaa mashruucan tijaabadda ah u howlgalisay 10 arday oo ka qalin jabiyay cilmiga bulshada oo ka baxay jaamacado kala duwan. Tani waxay u sahashay inay ka yeeshaan isdhexgalka bulshada markii koowaad waxayna ka caawisay inay si fiican u fahmaan caqabadaha bulshada, ayna ka dhigtay in aay noqdaan mustaqbalka shaqaale bulsho oo wanagsan.

SIDEE NATIIJOOYINKA U QAABEYNAYAAN TALLAABOOYINKA XIGA EE DAADIHIYE?

Barnaamijka tijaabada aha ee talagelinta muwaadininta waxa uu bidhaamiyay xaqiiqada dhabta ah ee ka-qaybgalka muwaadiniinta maxalliga ah marka loo eego caqabadaha bulsho, dhaqaale iyo deegaan. Arrintaan waxay iftiimisay bixinta adeegga iyo is-dhexgalka bulshooyinka iyo dawladda. Cilmi baarista tijaabada ah ayaa saldhig u ah kor u qaadida mashruuca Daadihiye oo la gaarsiinayo qeybaha kale ee Soomaaliya, waxaana qaabeeyay wada shaqeyn dhex martay dowladda iyo shacabka iyadoo la bixiyay xalal cadeymo xambaarsan oo ku saabsan sidii muwaadiniintu ay si macno leh ugu hawlgeli lahaayeen soo afjaridda farqiga u dhexeeya siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed.  Intaa waxaa dheer, macluumaadka la ururiyay ayaa bixiyay hab-dhaqannada ugu wanaagsan iyo casharrada laga bartay wada-hadallo toos ah iyo ka-qaybgalka dawladda iyo muwaadiniinta si kor loogu qaado isla-xisaabtanka bulshada loona abuuro bulshooyin xooggan, xog-ogaal ah iyo isku-xirnaan.

sawirrada goobta xog-ururinta
Scroll to Top