Jaantusyo

Jaantuska online-ka ah ee tooska ah

Daadidihiye waxa uu jaantus online ah ku soo bandhigayaa xog-isku-dhafan oo la soo aruuriyay iyada oo la isticmaalayo sahan-cilmibaaris, barnaamijka wicitaanka lambarka gaaban, barnaamij idaacadeed iyo habab kale oo xog-ururineed. Baraha bulshada ayaa loo adeegsan doonaa in lagu faafiyo ereyga ka qeybgalka muwaaddinka laguna bixin doonaa xog sida ay dadku u gudbin karaan falcelintooda iyo cabashadooda iyaga oo isticmaalaya barnaamijka wicitaanka lambarka gaaban. Daadihiye waa barnaamij talagelin bulsho ah kaas oo leh hawlo isku dhafan oo isku xiraaya bulshada iyo siyaasad-dejiye-yaasha. Wajiga tijaabada ah ee la falgalka bulshada waxa uu soo aruuriyay codadka 2,609 muwaaddin oo ka deggan dhammaan degmooyinka Gobalka Banaadir. Dadka deegaanka waxaa la falgalay 11 dhallinyaro heer jaamacadeed ah oo bartay cilmiga adeegga bulshada kuwaas oo faham qotadheer ka haystay deegaanka muddo labo bilood ahna loo tabobaraayay, waxaana ka mid ah waxyaabihii la baray: 

  • Baahiyaha muwaaddiniinta iyo caqabadaha 
  • Adeegyada ay muwaaddiniintu u baahan yihiin iyo cidda bixisa adeegyadaas 
  • Falgallada dadka deegaanka iyo dawladda hoose 

RAAGSAN waxa ay ku diiwaangelisay natiijooyinka soo baxay Jaantuska Online-ka ah kaas oo sawir ka bixinaya natiijooyinka ka soo baxay degmooyinka kala duwan ee Muqdisho.

Scroll to Top