COLAADAHA KU SALAYSAN DAAQA: FALANQAYNTA COLAADDA U DHEXAYSA XOOLO DHAQATADA SOOMAALIYA IYO ISTARAATIIJIYADAHOODA MAARAYNTA COLAADDA IYO XOOJINTA NABADDA

Soomaaliya waxa ay tobannaan sano la daalaadhacaysay colaado iyo saamaynta isbeddelka cimilada oo sii cusleeyay xaaladaha jiray. Dalku waxa uu wajahay dhacdooyin cimilo oo aad u kala geddisan sida abaaro, fatahaado, roobab aan xilligooda ku di’in, dabaylo xooggan, duufaanno, dabaylo bacaad wata, iyo heerkul aad u sarreeya. Arrimahani waxa ay sii badiyeen tabashooyinkii iyo xasaradihii bulshooyinka u dhexeeyay, kuwaas oo huriyay khilaafaadkii u dhexeeyay xoolo dhaqatada iyo beeralayda, maadaama bulshooyinka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa negi ay ku loollamaan khayraadka xaddidan. Barakaca ka dhasha colaadahaas ayaa horseeday in ay dadka isugu tagaan goobo ciriiri ah oo markii horaba khayraadku ku yaraa, tani oo sii abuuraysa qalalaase iyo khilaafaad hubaysan. Inkastoo uusan xiriir toos ah ka dhexeyn isbeddelka cimilada iyo colaadaha, cilmibaarayaashu waxa ay ku doodaan in isbeddelka cimiladu uu xiriir aan toos ahayn iyo saamayn ku yeelan karo khataraha colaadaha. Qormadani, waxa aan ku gorfaynaynaa sababaha dhaliya colaadaha u dhexeeya bulshooyinka xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliya iyo istaraatiijiyadaha maaraynta colaadaha iyo xoojinta nabadda (ICRC, 2021).


Halkaan hoose ka la dag faallada oo dhameystiran

Scroll to Top