Horumarinta Bixinta Adeegga Soomaaliya iyada oo Loo Marayo Talagelin Bulsho: Casharradii Laga Bartay Barnaamijka Talagelinta Bulshada ee Daadihiye

Waxaa la isla gartay in muwaaddinka firfircoon ee la talada laga qaybgeliyay uu kaalin xasaasi ah ka cayaaro qaabaynta iyo joogtaynta hannaanka dawlad wanaagga. Ka qaybgelinta muwaaddiniinta ee siyaasad dejinta iyo tixgelinta baahiyaha iyo waxyaabaha hortebinta u leh waxa ay udub-dhexaad u tahay naqshadaynta iyo fulinta siyaasado guud iyo adeegyo dadweyne oo wax ku ool ah. Talagelinta muwaaddinka waxaa la ogaaday in ay si togan saamayn ugu leedahay bixinta adeegyada, iyada oo caddaymaha la hayo ay muujinayaan in ka talagelinta bulshada ee hannaanka go’aan qaadashada uu horseedi karo natiijooyin la xiriira sare u qaadidda bixinta adeegyada.

 

Dawlado badan ayaa waxa ay qaateen habab kala duwan oo muwaaddinka loo talageliyo sida nidaamka dawladda elektoroonigga ah (e-governance) kaas oo ka faa’iidaysanaya xogta iyo nidaamyada teknoolojiyada casriga ah, sidoo kalena sare u qaadaya hawlahooda, horumarinayana adeeg siinta ee muwaaddiniinta. Isbeddelkan ayaa dhaliyay faa’iidooyin la taaban karo sida kordhinta waxqabadka fiican, wax-ku-oolnimada, iyo sare u qaadidda fursadaha talagelinta muwaaddiniinta.

Faallada oo dhameystiran hoos ka la dag oo guji lingaxa hoose

Scroll to Top