Wargelinta Billaha – Diseembar 2022

Hindisaha Daaddihiye waxa uu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo codka muwaaddiniinta Soomaaliyeed, ayna
helaan fursado codkooda ay ku gaarsiin karaan miiska go’aan gaarista, oo ay isugu yimaadan hogaamiyayaasha
iyo daneeyayaasha arrimaha bulshada. Daadihiye waxaa maal gelisay Raagsan oo ah shirkad maxali ah oo
bulshada u adeegta. Si loo xaqiijiyo in dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay helaan fursado ay uga qeyb
galaan barnaamijka, Daaddihiye waxa uu adeegsanayaa aaladaha kala duwan ee bulshada lagula xariiro sida sahan cilmibaaris oo ka fool ka fool ah, lambar gaaban oo dadweynuhu si bilaash ah u soo wici karaan,idaacad, iyo farriimo qoraal. Aaladahaas kala duwan waxa ay xaqiijinayaan in si waafi ah loo aruriyo aragtiyaha shacabka, laguna gaaro dhinacyada kala duwan ee bulshada, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waxaan sidoo kale taabbagelinnay hannaan jawaab celin, oo si
hufan loo diyaariyay, si aan u xaqiijinno in xogta aan soo ururinno ay noqoto mid gaarta dadkii loogu talagalay iyo siyaasad dejiyeyaasha.

 

Scroll to Top