Wargelinta Billaha – Jannaayo 2023

Ku soo dhawow caddadka 2-aad ee wargeliyaha Daadihiye. Waxay ahayd bil kale oo wax soo saar iyo dhiirrigelin leh in aan la falgalno bulshada si aan u sii fahanno kaalinta ay ka qaadan karto dhismaha nidaam dawladeed oo saldhiggiisu yahay islaxisaabtan.

Caddadkan waxa uu muujinayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka soo baxay wadashaqaynta dadka deggan Muqdisho iyo
dawladda hoose. Natiijooyinka aan helnay waxaa ku jira casharro muhiim u ah siyaasad-dejiyeyaasha iyo hawlwadeennada
kale oo la xiriira dhismaha bulsho xooggan oo loo dhan yahay oo ku tallaabsata horumar waara.

Daadihiye waa barnaamij tala-gelin bulsho oo ay taabba-gelisay Raagsan oo ah shirkad maxalli ah oo xoojisa codadka muwaaddiniinta, fursadna u siisa in ay qeyb ka noqdaan miiska go’aan gaarista si loo xaqiijiyo in barnaamijyada iyo siyaasaduhu ay salka ku hayaan xaqiiqooyinka maalinlaha ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Si aad u akhriso caddadkan oo dhameystiran, fadlan guji lifaaqa hoose

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top