Wargelinta Billaha – Febraaryo and Maarso 2023

Waxaan aad ugu faraxsannahay in aan baahinno caddadkii 3-aad ee taxanaha Wargeliyaha barnaamijka Daadihiye ee Talagelinta Bulshada ee magaalada Muqdisho. Caddadkan, Daadihiye waxa uu u kuurgalay kaalinta muwaaddinka uu ku leeyahay hannaanka dawladnimada. Muwaaddiniintii aan la xiriirnay waxaay iftiimiyeen dhinacyada ay is leeyihiin in dawladdu ay ku maalgeliso canshuuraha laga soo ururiyo dadka.

Natiijooyinka soo baxay waxa ay na siinayaan casharro qiimo leh oo siyaasad-dejiyeyaasha iyo hawlwadeennaduba u adeegsan karaan sidii loo dhisi lahaa bulsho xooggan oo loo dhan yahay iyada oo loo marayo bixinta adeegyo wax ku ool ah.

Scroll to Top